Jesse Lingard Oo Wacad Ku Maray In Liverpool ay Darsi Cusub Heli Doonto.

0
3

Ciyaariyahanka kooxda Manchester United Jesse Lingard ayaa farriin hawada u mariyay kooxdiisa isaga oo u sameeyay balanqaaad weyn oo ah inay ka adkaan doonaan kooxda hoggaanka Premier League haysata haatan ee Liverpool.

Lingard ayaa marka hore si weyn u amaanay tababaraha kooxdiisa ee Ole Solskjaer oo uu ku sheegay mid dib usoo celiyay habkii Man United isla markaana u ogolaaday inay xornimo ku ciyaaraan.

Solskjaer oo ah tababarihii ugu horreeyay ee guulaystay siddeediisa kulan ee ugu horreeya taariikhda United ayaan kaliya bedelin natiijooyinka kooxda balse waxa uu si guud ahaaneed u bedelay deegaanka iyo qolka labiska isaga oo farxadii kusoo celiyay.

Lingard oo marka hore amaanaya Ole ayaa yidhi “Ole waxa uu ahaa mid cajiib ah tan iyo markii uu yimid, Waxa uu na siiyay talo badan waxaana uu noo ogolaaday inaan ku ciyaarno xoriyad midaas oo ah waxa ugu muhiimsan”

“Waad ogtahay kubadda cagta waa inaad ku ciyaarto adiga oo wajigaagu dhoolacadayn leeyahay iyo xoriyad isaga oo noo ogolaaday inaan sidaas samayno”

Guuldarradii 3-1 ka ahayd ee Liverpool ayay ahayd wixii ugu dambeeyay ee uu shaqadiisa ku waayay Jose Mourinho isaga oo Jesse haatan xusay inay Reds ahaayeen kooxda ugu adag ee ay soo wajaheen xilli ciyaareedkan.

Laakiin haatan iyadoo kalsooni ay heleen isla markaana uu jagada hayo Solskjaer, Jesse ayaa wacad ku maray inay garaaci doonaan kooxda Jurgen Klopp marka ay labada dhinac Old Trafford ku kulmaan 24 Febraury.

Lingard ayaa markale yidhi “Waxaan filayaa inay Liverpool ahayd (Kooxdii ugu adkayd), Laakiin haatan sida iska cad wax ayaa is bedelay, Hab ciyaareedkeena iyo hab fikirkeena ayaa is bedalay, Waan guuleysan doonaa marka xigta”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here