Kubadda Cagta ee Ingiriiska iyo Yurub oo la hakiyay

0
3

Dhammaan tartamada Kubadda Cagta ee dalka Igiriiska iyo qeybo ka mid ah Qaaradda Yurub ayaa la haliyay, sababo la xiriira cabsida Caabuqa Corona ee fidaya.

Tarmada ugu caansan ee hakadka la galiyay waxaa ka mid ah horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League-ga, kaasoo balaayiin qof ay ka daawadaan caalamka daafihiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa la wada baajiyay kulamadii tartamada EFL-ka, FA-da Haweenka iyo sidoo kale Championship-ka Haweenka ee dalka Ingiriiska.

Marka ugu horreysa ee ay suurtagalka tahay in ciyaarahan qaarkood dib loo billaabo waa 3-da bisha April.

Mas’uuliyiinta horyaalka Premier League-ga ayaa sheegay in tartankaas dib loo bilaabi doono 4-ta bisha April, iyagoo sababta loo hakiyey ay tahay cudurka covid 19 dartiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here